Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxdii kale ee shalay tegay Teendhada Afisyooni, ayaa maalintii 2aad kulan ku leh Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo aan saxaafada lagu casuumin maanta ayaa ah kulankii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.
Warar ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in warbixin loogaga dhagaysan doono taliyaha ciidanka booliska Gen Xijaar,uuna ku soo bandhigo shaxda amniga Doorashooyinka.
Kulankan oo qorshuhu ahaa in dhammaan madaxda maamul goboleedyada ka soo qeybgalaan ayaa waxaa qaadacay Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.