DEG DEG:- Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo-burte oo Xirmay {sababta}

0
370

 

 

Wararka  ka imaanaya   magaalada  Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan aya sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Buulo-burte uu  Xirmay kadib marki ay Saraakiisha Ciidanka Jabuuti ee Amisom u qaabilsanaa  Maamulka iyo Amniga in ay la wareegan Mudo 30 Maalin ah. Gudahood ah maamulka  Gobolka Hiiraan iyo midka  Dagmada Buulo-burte Sida ay Xaqijiyeen Saraakiisha Ciidanka hiil walaal  Jabuuti ee amisom maadaama qilaaf uu soo kala dhex galay maamulka degmada buulo barde & ciidamada hiil walaal ee jabuuti

Madaama Lacagahii Airport-ka  Degmeda Iyo Xabsiyada Magaalada Buulo-burte lagu Wareejiyay maamulka gobalka & kan degmada  balse aysan awoodin iney sugaan amnigiisa maadaama aysan heysan qalabkii miino baarka & adeegyadii kale uu ubaahnaa Airport-ka  Awal Waxa Maamulkiisa gacanta kuhayeen   ciidamada hiil-walaal ee  Jabuuti. oo katirsan midowga afrika ee Amisom

Qilaaf Soo kala dhax galay kal Hor Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti ayaa Sababay in oow Xirmo Garoonka Diyaaradaha Buulo-burte.

Hase ahaate Magaalada Buulo-burte ayaa Go’doon ku jirto Mudo ka badan 8 Sano waxa kaliya ee  u furnaa aya ah iney isticmaalaan  Hawada Garoonka Diyaaradaha Buulo-burte Balse Maanta ay ku egtahay mudadii 30 maalmood ee  Heshiiskii Amisom iyo Maamulka .

Maalinta Berito ah Wax Diyaarado ah kama soo Dagi doonaan Sidaay xaqiijiyeen  saraakiisha ciidamada jabuuti

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here