Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Muqdisho ka wada kulamo looga hadlayo khilaafka doorashada

0
384

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu weli wadaa kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la kulmay Xildhiban Cabduqaadir Carabow oo kamid ah Golaha Shacabka , iyaga oo ka wada hadlay xaalada dalka & xal u helida is-mari waaga ka taagan Hirgilinta Doorashoonyka Dalka.

“Waxaan xalay Kulan isxog wareysi ah wada qaadanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle State Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, kulanka ayan ku falanqeynay xaalada guud ee Dalka ,gaar ahaan doorka ay Dowlad Goboleedka Hirshabelle kuleedahay xal u helida is-mari waaga ka taagan Hirgilinta Doorashoonyka Dalka ayuu yiri” Xildhibaanka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa horay ula kulmay qaar kam id ah Madaxda dowlad Goboleedyada ee Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shira looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here