Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS iyo Wasaarada Waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar si wadajir ah uga daah furay kulan wada tashi ah oo Afar cisho socon doona oo looga hadlayo Siyaasadda iyo qaabdhismeedka Manhajka Waxbarashada Aasaasiga ah (ALTERNATIVE BASIC EDUCATION . )
Kulanka waxaa daahfuray Wasiiru dowlaha Waxbarashada Hirshalle Mudane Xildhiban Abukar Hassan Abukar waxaan goob joog ka ahaa Agaasimaha Guude ee wasaarada waxbarashada Hirshabelle Mudane Amiin Mukhtar Ahmed ,Agaasimaha Waaxda farsamada gacanta WW/HTS XFS Mudane Abdiaziz , Lataliye Hassan Dr Abdirahman baadiyow , shaqaalaha wasaarada , Maamulayaasha Dugsiyada ABE ga Iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan .