Dowlada Qatar iyo Mauritania oo kawada hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirkoodii Diblomaasiyadeed

0
354

 

 

Dowladaha Qatar iyo  Mauritania ayaa maanta oo Axad ah kawada hadlay sidii loo soo celin lahaa xirirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal.

Wakaaladda wararka ee Qatar ayaa  sheegtay, in Wasiirka arrimaha Dibadda ee Qatar, Shiikh Maxamed  bin Cabdiraxmaan iyo  dhiggiisa Mauritania, Ismaaciil Walad Shiikh Axmed ay ka wada hadleen soo celinta xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal ee Carbeed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mouratania ayaa ku sugan magaalada Doxa ee caasimadda Qatar, inkasta oo aan la sheegin goortii uu yimid.

Dowladda Mauritania ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Qatar sanadkii 2017, kadib markii uu bilaawday khilaafkii siyaasadeed ee dowlada Khaliijka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here