Booliska Muqdisho oo digniin culus u direy dadka dhaca u geystey shacabka

0
368

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka caadeystey inay dhac ugu geystaan gudaha magaalada Muqdisho.

General Zakiya ayaa ugu baaqday shacabka Muqdisho inay la soo xiriiraan ciidamada booliks ay soo wacaan lambarka gaaban 991.

“Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hadaad la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan.”ayay tiri General Zakiya.

Sidoo kale waxaa ay eedeyn u jeedisay dad ay sheegtay inay Baraha Bulshada kusoo bandhigayaan cabasho ku aadan dhac loo geystay, isla markaana ay eedeeynayaan Saraakiisha Booliska, waxaana ay ku baaqday in qofkii arka qof burcad ah uu ciidamada la wadaago.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa caasimada dalka ku soo badanayay dad ku hubeysan bastoolado iyo hub kale oo dhac ka geysta xaafadaha magaalada iyagoo dadka ka qaata mobaylada gacan qaadka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here