Ciidamada AMISOM oo Soomaaliya ku qabtay Gaari laga soo dhacay Gudaha Kenya

0
506

Gaariga oo ah nooca Xamuulka qaado ayaa waxaa la sheegay in laga soo xaday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxaana Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOm ay ku qabteen Magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaariga ayaa waxaa looga shaqeeyay xaduudka Soomaaliya, iyada oo munaasabad ka dhacday Magaalada Dhoobleey loogu wareejiyay Shaqsigii lahaa Milkiyadda Gaariga.

Taliyaha Saldhiga Booliska Dhoobleey Maxamed Cabdi Cumar, taliyaha qeybta labaad Paul Njema, iyo Korneyl  Maxamed Cabdi oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda warejinta Gaariga, waxana lagu wareejiyay Milkiilaha Gaariga oo lagu Magacaabo Paul Kyullu.

Milkiilaha gaariga sidoo kalena Agaasime ka ah Shirkad ka shaqeysa arrimaha baabuurta ayaa uga mahad celiyay Ciidamada amniga sida ay gaarigiisa ugu soo badbaadiyeen kooxihii ka xaday, isaga oo sheegay in uu ku amaanayo.

Qabashada Gaariga laga soo xaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Dhoobleey  iyo Ciidamada Booliska eek u sugan Magaaloyinka Naoirobi iyo Gaarisa oo xiriir joogto ah wada lahaa.

Xatooyada Gaadiidka  ayaa kamid ah kiisaska ugu badan gudaha dalka Kenya, iyadda oo tuugadda ay si joogto ah uhindisaan xeelado cusub si ay gaadiidka u qaataan, waxaana Ciidamada Booliska Kenya ay dhowr jeer qabteen Gaari laga xaday qofkii lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here