“Guusha aan ka gaarnay Alaves waxay soo celisay Kalsoonida.” – Karim Benzema“Guusha aan ka gaarnay Alaves waxay soo celisay Kalsoonida.” – Karim Benzema

0
121

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku hogaamiyo kooxdiisa guushii ay xalay ka gaareen naadiga Deportivo Alaves.

Real Madrid ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda Deportivo Alaves oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Ciyaarta kaddib Karim Benzema ayaa u sheegay warbaahinta dareenkiisa ku aadan guusha ay ka gaareen kooxda Deportivo Alaves:

“Wuxuu ahaa kulan aad noogu wanaagsan kalsoonida darteed, waana inaan sii wadnaa shaqadii aan qabanay, taasoo aheyd inaan qabano isbuucaan adag kaddib.”

“Waxaan maalin walba u shaqeynaa sidii aan goolal u dhalin lahayn, maantana goolashu way muuqdeen, waxaanna ku soconnaa waddada saxda ah kaddib toddobaad adag.”

”Waxaan mar walba doonayaa in aan caawiyo kooxda, inaan caawiyo saaxiibaday, iyo in aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigo, laakiin aniga kaliya ma ahi, ee waa dhamaan ciyaartoyda kooxda.”

Intaas kaddib Karim Benzema ayaa ka hadlay saaxiibkiis kooxda Real Madrid ee Eden Hazard, wuxuuna yiri:

“Hazard markii uu joogay kooxda Chelsea wuxuu ahaa ciyaaryahan fiican, hadana waa inuu sheeko kale ku qoraa Real Madrid, waxaana arkaa inuu xaalad wanaagsan ku jiro, wax badanna wuu caawin doonaa kooxda.”

Karim Benzema ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay hanashada horyaalka La Liga, wuxuuna yiri:

“Ku guuleysiga horyaalka La Liga, waxaan fiirineynaa nafteena, waxaana harsan kulamo badan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here