Heshiis horudhac ah oo laga gaaray Dagaal udhexeeyay laba Beelood

0
525

 

Dagaal Beeleedkaan ayaa waxaa uu ka dhacay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee  ka howlgalla Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud uu hor kacayo Taliyaha Guutada Shanaad qeybta 27aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo kaashanaya Maamulada Degmooyinka Guriceel iyo Matabaan & Odoyaasha iyo wax garadka ayaa Heshiin horudhac ah ka gaaray Colaad Beeleedka ka taagnaa Degaano hoostago Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Heshiiska labada Beelood dhexmaray ayaa ka kooban 7 qodob, waxaana ugu muhiimsan in xabada la joojiyo iyo in la kala diro oo la kala qaado maleeshiyaadka ishor-fadhiya.

Colaad Beeleedka heshiiska horudhac ah laga gaaray ayaa ah mid kusoo laab laabatay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dhowr jeer heshiis dhex-dhigay mas’uuliyiin ka kala socday Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here