Maxa sababay xariga Xildhibaan Mustaf Dhuxulow?

0
407

 

 

Waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal airport maanta lagu xidhay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo xogogaala ayaa sheegay in Mustaf Dhuxulow ay shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni u soo saartay dal-ku-galka Somaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

Laakiin hay’adaha ammaanka ayaa marki dambe ogaaday in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xabsiga loo taxaabay.

Mustaf ayaa saraakiisha madaarka Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la la laalay, lana joojiyay.

Waxa la filayaa in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here