Dowlada Sucuudiga oo xirtay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca

0
148

 

 

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in la bilaabay baadhitaan lagu hayo musuqmaasuq ka dhacay wasaaradda gaashaan dhigga dalkaas oo lacagta la lunsaday lagu qiyaasay 325 milyan oo doolar.

Wakaaladda ka hortagga musuqmaasuqa dalkaas ayaa sheegtay in dadka baadhitaanka lagu hayo ay ka mid yihiin masuuliyiin iyo ganacsato.

Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baadhitaannada musuqmaasuqa ee la wado ay ka mid yihiin eedo lagu soo oogay shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baadhay lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo musuqmaasuqa ka wado dalkaas oo arintaasina tahay mid uu muhiimadda koobaad siinayo.

Sannadkii 2017 ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato ba lagu xidhay hudheelk ku yaal magaalada Riyadh si loogu qasbo in ay lacag malaayiin doolar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

Hoos u dhaca sicirka saliidda iyo dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalkaas Sucuudiga.

Waxa ay xukuumaddu qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, waxaana ka mid ah in xukuumaddu saddex laabto cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan, talaabadaas oo qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu badhi taro dhaqaalaha dalka ee

Coronavirus

4.60

-ku dhaawacay.

Xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dawladda.

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay safmarkan awgii, dhaqaalihiisu dhulka galay.

Boqortooyadu waxay markii ugu horraysay cashuurka iibka dalka ku soo rogtay laba sano ka hor taas oo ujeedadu ahayd in ay yarayso xaddiga dhaqaalaheeda ee ku tiirsanaanta saliidda.

Wakaaladda wararka dawladda ee Sucuudiga ayaa sheegtay in qiimaha cashuurta iibka oo markii hore ahaa 5% haatan laga dhigay 15 % laga bilaabo 1 bisha Juulaay ee soo socota, iyo in sidoo kale la joojin doono gunnada machiisadda 1 Juun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here