Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa Muqdisho

0
100

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay xalay Maqaayad lagu caweeyo oo ku taalla meel u dhow Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana qaraxaas lagu dilay dad u badan dhalinyaro.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa  fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaah qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Maqaayad lagu Magacaabo Gelato Divino  oo ahayd mid aad u mashquul badan goorta u qaraxu dhacayay.

Shaqaalagha gurmadka deg-deg ah ee Amiin Ambalaas ayaa sheegay in Qaraxa ay ugu yaraan ku nafwaayeen 8 qof halka dhaawacana uu gaaray ilaa 10 qof.

Dhalinyarada qaraxa lagu dilay ayaa ahaa kuwo si weyn looga yaqaanay Muqdisho, waxaana ay isugu jireen shaqaalle dowladeed, ganacsato iyo dhalinyaro dhawaan waxbarashada dhameystay.

Dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayaa cambaareeyay falka lagu qarxiyay dhalinyarada, waxaana ay ku baaqeen midnimo iyo in la xoojiyo dagaalka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here