Faah fahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaraxan dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada.
Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay Gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon.
Maareeyaha ayaa bad-qaba oo ma jirto waxyeello kasoo gaartay qaraxan, balse waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalineysay.
Ciidamo dheeraad ah oo tagay halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo, waxaana la xiray wadada. Sidoo kale, gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta ka qaaday dadka waxyeellada dhaawaca ah soo gaartay.