Sii Hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo booqasho lama filaan ah ku yimid Muqdisho

0
74

 

Sii Hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka Christopher Miller ayaa booqasho aan horay loo shaacin maanta ku yimid magaalada Muqdisho, waa mas’uulkii u horeeyay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ka socda oo booqasho ku yimaada Soomaaliya.

Miller ayaa muddo saacado ku sugnaa Muqdisho, gaar ahaan garoonka Diyaaradaha oo uu kula kulmay xubno ka mida Ciidamada Mareykanka,, sida ay shaacisay CNN.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ka soo safray Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo Maamulka Trump uu shaaciyay inuu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ku sugan Soomaaliya oo gaaraya ku dhowaad 700 askari.

Mareykanka ayaa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka taageera dhanka tababarada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ku beegsadaan xubnaha sare ee Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here