Soomaaliya & Faransiiska oo heshiis deyn cafin ah kala saxiixday

0
419

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta heshiis ku saabsan deynta cafinta Soomaaliya la saxiixday France ee Kenya & Soomaaliya Aline Ménager.

Wasiir beyle ayaa sheegay in heshiiskaan uu qyeb ka yahay go’aankii dalalka Paris Club ee ay gaareen March 2020, kaas oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay si ay u gaarto horumar dhaqaale.

“ Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020 ayuu yiri” Wasiir Beyle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in guusha taariikhda ah oo ay gaaraty dowladda Soomaliya ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, ayna go’an tahay in ay sii wadan Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here