Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wakiillada Puntland?

0
371

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 42 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gudbiyeen Tallo-soo jeedinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee soo hor-marinta Qodobka 13 Ajandaha oo ka hadlaya heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 4 Mudane.

Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada ayaa dood ka yeelanaya maalinta Sabti oo Taariikhdu tahay November 28, 2020.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here