Mahad Salaad;”Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig”

0
429

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kulul uga hadlay hadal uu ka jeediyay duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish kaasoo uu ugaga hadlay shirka doorashada.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in duqa laga doonaayo in xarunta maamulka gobolka Banaadir laga jartay korontadii uu kusoo celiyo intii ku baaqi lahaa in la dilo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa korontada laga jartay ka dib markii lagu yeeshay lacago fara badan.

“Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi!”

Waxaa uu intaasi kusii daray” Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here