QM oo walaac ka muujisay xaalada Itoobiya

0
425

Qaramada midoobaya ayaa walaac ka muujisay dambiyada dagaal ee ka dhici kara deegaanka Tigraay maadaamaa ay ciidamada Itoobiya howlgalkoodi ugu dambeeyey oo ay ku qabsanayaan magalada Maqale ay fulinayaan, marka uu dhammaado muddadi ay dowladda dhexe u qabatay xoogagga TPLF iney isku soo dhiibaan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xogagga deegaanka Tigraay ayaa socda ku dhawaad seddex toddobaad.

Waxaana lagu soo warramayaa dagaalkaasi boqollaal qof iney ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen colaadda iney sii hurineyso masiibooyinka bani-aadaminimo isla-markaana bariga Afrika ay xasilooni darro ka abuureyso.

Qaramada midoobay waxay sheegtay iney walaac ku abuurtay hanjabaadaha dagaalka la xidhiidha oo maalmihi u dambeeyey ka soo yeedhayey ciidamada Itoobiya oo ay ku sheegeen iney u ruqaansanayaan qabsashada caasimadda Tigraay ee Maqale oo ay ku nool yiihiin dad ka badan 500,000.

Axaddi Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu u qabtay 72 sacadood iney isku soo dhiibaan, isaaga oo sheegay iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan ‘maadaamaa aan la joogin meel laga noqon karo.

bbc somali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here