Waxaa Xarunta Gobolka Karkaar, lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Masuuliyiinta Dawladda oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar, Hay’adaha Caalamigga ah iyo Ururadda Maxaligga ah kaas oo looga hadlayo sidii loogga jawaabi lahaa xaaladda adag ee ka dhalatay roobabkii duufaanadda wattay ee ku dhuftay degmadda Xaafuun.
Shirkaan waxaa sidoo kale lagga soo jeediyay warbixino la xiriira xaaladda guud ee degmadda Xaafuun ee hadda ka jirta, waxaana laysla gartay in la diro kooxo ka jawaaba xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobaabkii duufaanta wattay ee dhawaan deegaanadaas ku shuftay.
Sidoo kale Hay’adaha ka qaybgallay shirka ayaa balan-qaaday in sidda ugu dhaw ay gurmad u gaarsiin doonaan Degmadda Xaafuun iyo deegaanadda hoostagga.