Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo shir la leh culimada Soomaaliyeed

0
352

Shirka Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta galay maalintii Afaraad ayaa waxaa lagu casuumay Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo laga dhageystay taladooda, waxaana lala wadaagay dareenka ay qabaan Musharrixiinta.

Waxaa la filayaa in maanta ay sido kale shirka kusoo biiraan ganacsatada Soomaaliyeed.

Wakiilada beesha caalamka oo aalada Zoomka kaga qeyb galaya, ayadoona gelinka dambe ee maanta la rajeynayo in lasoo gabogabeeyo shirka, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.

Musharaxiinta xilka  Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here