La taliyihii Amniga Madaxweyne Deni oo geeriyooday

0
431

Rabi naxariistiisa jano haka waraabiyee waxaa dalka Turkiga ku Geeriyooday General Khaliif Ciise Muddan oo ahaa siyaasi weyn looga yaqaanay degaanada maamulka Puntland, islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay.

Sanadkii 2011-kii ayuu soo noqday Wasiirka Amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Geerida Marxuum Jeneral Khaliif Ciise Muddan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelladiisa.

Waxaa soo noqday Musharax xilka Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana Alle ha u naxariisto Jeneraalku wuxuu hadda ahaa La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Deni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here