Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Maxamuud Bukhaari ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa aan lagu aamini Karin tallada dalka, islamarkaana aan kalsooni lagu qabi Karin doorasho ay qabtaan.
Waxaa uu bogaadiyay xubnaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho, isagoo sheegay in ay muhiim u yihiin tallada dalka.
Waxaa uu sheegay in shaqooyinka ay hayaan ay yihiin kuwo lagu badbaadinaayo dalka, maadaama Madaxweyne Farmaajo iyo hay’addihiisa ay ku guuldareysteen.
Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu la yimaado tanaasul ku aadan waxa loo egeysiiyay guddi doorasho oo uu sheegay in aysan u qalmin loona baahan yahay in laga laabto.