
Hay’adda Xaquul Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay, kaddib baaritaan ay sameeysay Wabixin la xiriirta xasuuqii Tuulada gololeey ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay 8 dhalinyaro dhaqaaiir ahaa oo ka howlgalayay Xarun MCH oo ku taalla Tuuladaas.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi Dhaqaatiirta lagu dilay uu dhacay 27-kii Bishii Maarso abbaare 1:30 duhurnimo,isla markaana dilkaasi ay geysteen Shan Nin oo hubeysan oo wajiyada soo duubtay, kuwaas oo galay Xarun Hooyada & dhalaanka ah oo ay maamusho hay’ad aan dawli ahayn, oo lagu Magacaabo Zamzam foundation, oo ku taal tuulada Gololey, iyaga oo kaxeystay 7 Shaqaale oo xarunta ka tirsan iyo Nin Farmashiyo ku aglahaa, waxaana dadkaasi meydkooda laga helay duleedka Tuulada Gololeey 28-kii isla Bishaasi Maarso.
Dilkii foosha xumaa ee toddobo shaqaale caafimaad iyo farmashiiste ayaa ka reebay bulsho reer miyi ah oo waayay dadkii ay jeclaayeen oo aad ugu baahnaa daryeel caafimaad,” ayay tiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch. Ka qeybgalka suurtagalka ah ee ciidamada amniga ee dhacdadan naxdinta leh ayaa xitaa culeys weyn saareysa dowlada inay si qoto dheer u baarto oo ay u maxkamadeyso kuwa mas’uulka ka ah si haboonna u magdhawdo qoysaska dhibanayaasha ayaa lagu yiri” Warbixinta ” Hay’adda Human Rights Watch.
29-kii Maarso, Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare wuxuu dhisay guddi heer sare ah oo soo baara dilka wuxuuna yiri” waa in muddo 30 maalmood gudahood ah ay ku soo sheegaan wixii ka soo baxay. 14-kii Sebtember, wasiirka amniga Hirshabeelle ayaa wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay Human Rights Watch ku sheegay in baaritaanka uu socdo. Waaxda baarista dambiyada ee ciidanka booliska federaalka ee Soomaaliya (CID) sidoo kale ay bilaabeen baaritaanka.
Ugu dambeyn Hay’adda Xaquul Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay xoojiso baaritaanka afduubka iyo dilka guud loogu fuliyay toddobo shaqaale caafimaad iyo Nin farmashiye lahaa bishii Maarso 2020, Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay maanta. Lix bilood ka dib, baaritaannada dowladda aysan keenin dad loo xiray ama loo daccweeyay,halka ehelada dhibbanayaasha ay sugayaan Caddaaladda.
Tuulada Gololey ayaa ku taal waddo muhiim ah oo isku xirta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dhowr jeer ka dhacay weeraro ay Al-Shabaab la beegsatay kolonyada ciidamada Dowladda Soomaaliyeed. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiriirka ay la leeyihiin ciidamada amaanka dowlada uu si gaar ah u xumaa tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2019, markii ciidamada amaanka ay xireen dadka deegaanka dhowr jeer kadib dhacdooyin dhanka amaanka ah oo dhacay, iyagoo ku eedeeyay inay la shaqeeyaan Al-Shabab.