Guddoonka Golaha Shacabka oo ku biiray Shirka Musharixiinta uga socdo Muqdisho

0
409

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Cabduweli ibraahim Muudeey ayaa Caawa waxaa ay ku biireen Shirka Musharixiinta Madaxweynaha uga socda Magaalada Muqdisho.

Musharixiinta iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa  ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrinta muranka doorashooyinka, waxaana la filayaa in Musharaxiinta u dhiibaan farriin ku socota Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal & guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Cabduweli ibraahim Muudeey ayaa waxaa ay kamid yihiin mas’uuliyiinta aadka ugu dhow Madaxweyne farmaajo, waxaana weli la ogeyn sababaha keenay inay shirka ku biiraan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ay wehlinayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye & Xubno kale ayaa Maanta ka qeyb-galay shirka Midowga musharixiinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here