Inta la xaqiiyey laba ruux oo kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeryooday, 4 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar; guryo badan ayaa dumay, inta badanna guryaha magaalada saqafkii, waxaa kala tagtay dabaysha, khadadkii taleefannada ayaa go’an oo xataa shirkadihii Isgaadhsiinta ayey dabayluhu rideen.
Magalaada Hurdiya oo aan ka fogayn Xaafuun, badda ayaa ku soo kacday, dadkiina waxay u barakeceen bannaanka magaalada, doonyo kalluumeysi ayaa sidoo kale ku soo caaryey, qaar kalena badda ayaa la tagtay.
“Xaafuun 2 nin oo dhintay ayaa hadda la keenay gudaha magaalada waxaana lagu sheegay 2 nin oo kale xeebta iyadoo aan hadda lasoo qaadi karin meydka labada nin ee xeebta lagu sheegay jewiga oo weli adag awgiis. Afarta qof oo dhintay ayaa lagu sheegay Yamaniyiin” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Daad oo baarlamaanka Puntland ka tirsan.
Waxaa uu intaas kusii daray “Afar doonyood ayaa ku soo caariyey xeebta magaalada Xaafuun iyo laashash badan oo baddu soo tuurtay waxaan la sheegay 2 doonyood oo kale oo iyaguna ku burburay roobka meel u dhow Xaafuun”