Guddiga Golaha Shacabka ee BJFS u qaabilsan soo Diyaarinta Warbixin ku saabsan Saameynta Caabuqa Saf-mareenka Covid 19 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ay hoggaamineyso Wasiirrada Marwo Dr. Fawzia Abikar Nur.
Kulanka ayaa Wasaaradda looga xogwareystay su’aalana looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin Saameynta Caabuqa Covid 19 ku reebay Dalka iyo Qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.
Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali waxaana ay sheegtay in dhawaan ay soo saari doonaan warbixin ku saabsan xaaladda dalka ee COVID 19.
Guddiggaan ayaa horay waxaa u magacaabay Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal.