Ra’iisul Wasaare Rooble oo safarkii u horreeyay ugu ambabaxaya gudaha Dalka

0
370

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinta berri ku sii jeeda magaalada Baydhabo xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay uu Ra’iisul Wasaaraha ugu ambabaxo gudaha dalka, tan iyo markii bishii September loo magacaabay xilka.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda magacawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safaro kale ku tagaya magaalooyinka Maamul Goboleedyada, si loo dardar geliyo doorashada, balse Mucaaradka ayaa ka biya diidan kuna eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in aanu dhex dhexaad aheyn oo uu ku milan yahay Ololaha Madaxweyne Farmaajo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here