Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi

0
366

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku soo bandhigay Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu soo bandhigay shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda gobolada Waqooyi, habraaca xulista Ergooyinka dooranaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare, dhismaha maamulka sare ee degaan doorashada, korjogteynta doorashada iyo amniga Goobta doorashada, waxaana shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi kamid ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in Xildhibaan walba ee u taagan kursiga Aqalka sare ay u codeynayaan 77 xubnood, halka Xildhibaanka u taagan kamid noqoshada Xildhibaannada Aqalka Hoose doorashadiisa loo marayao habraacii 2016-kii.

Halkan hoose ka aqriso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here