Taliyaha NISA oo Muqdisho kula kulmay dhigiisa Dalka Talyaaniga

0
467

 

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu la kulmay Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.

Xog kale oo dheeraad ah lagama bixin waxyaabaha ay ka wada hadleen Taliyaha Ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiiniyo Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here