Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo u digey Madaxweynaha Galmudug

0
399

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa uga digay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu ka shaqeeyo ajande doorashada Federaalka, isagoo kula taliyay in aanu Galmudug dib ugu celin halkii ay beeshay 2016. Annaga waxaan aaminsanahay in Galmudug gudaheeda looga shaqeeyo ku fiican tahay, laakiin meesha Galmudug marka hore beeshay haddana beeleysa waxa waaye, marka ajande doorasho Federaal looga shaqeeyo 2016 halkaas ayay beeshay oo waxaa la isku dayay doorashadii xamar in looga shaqeeyo, wixii ka dhacay waa la ogaa, haddana tii ayaa socoto, Madaxweynaha waa uga digaynaa, Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka danta galmuudug haka shaqeeyaan, haddii ay isku dayaan inay ugu shaqeeyaan doorasho Federaal Madaxweynaha hadda jooga tii 2016 meesheeda ayay marayaan.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa si weyn uga soo horjeeda magacaabista guddiyada doorashooyinka ee dhowaan la magacaabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here