Shir Laga Yeeshay Amniga Gobolka Mudug Iyo Farriin Loo Diray Shacabka

0
398

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka Puntland Maxamed Dhabancad, oo ay Wehliyaan Wasiir ka tirsan DPL ayaa shir guddoomiyey shirka Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo.

Shirka waxaa looga hadlay dardargalinta amniga, xoojinta wada shaqaynta hay’adaha Dowladda iyo bulshada, Daadajinta adeegyada bulshada, iyo Dardar-gelinta howlaha shaqo ee Horyaala Guddiga amniga.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-Cad oo warbaahinta la hadlay ayaa laamaha amniga Gobolka Mudug faray inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo amniga gobolka gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shacabka kunool Gobolka ka dalbaday inay la shaqeeyan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda, xili la guda galayo Doorashooyinka dalka.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca falal amni darro oo isugu jira weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana falalkaas inta sheegta Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here