Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee Koofur Galbeed.
C/casiis Lafta Gareen ayaa safar caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana uu saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa markii saaka uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, waxaa uu durbadiiba u sii gudbay magaalada Baydhabo.
Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiinta maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.