Golaha Wasiirada Puntland oo sheegay in uu kordhay daqliga Gudaha

0
385

Shirka Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037

Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here