Donald Trump ayaa u muuqda inuu qirey markii ugu horeysay in ninka la tartamaya ee Dimuquraadiga ah Joe Biden uu ku guuleystey doorashadii madaxweynenimada Mareykanka, laakiin wuxuu sidoo kale ku celiyey sheegashadiisa aan daliilka loo hayn ee ah in uu dhacay musuqmaasuq baahsan.
“Wuu guuleystay sababtoo ah doorashadii waa la dhacay”ayuu ku soo qoray Twitter.
In kasta oo looga adkaaday doorashadii 3-dii Nofeembar, Mr Trump illaa hadda wuu diiday inuu qirto.
Wuxuu ka bilaabay dacwado badan gobolada muhiimka ah laakiin ma uusan keenin wax cadeyn ah oo adkaynaysa sheegashadiisa ku aaddan in ay dhacday khiyaano.
Dadaalladiisii sharciga ahaana illaa iyo hadda laguma guuleysan.
Jimcihii, saraakiisha doorashada waxay sheegeen in codbixintu ay ahayd “tan ugu amniga badan taariikhda Mareykanka” mana jirin “wax caddeyn ah oo muujinaya in nidaamka codbixinta qaar laga tirtiray ama qaar la lmuiyey, ama la beddelay ama codadkii uu si uun wax u yeelay”.
Si kastaba ha noqotee, Mr Trump wuxuu diiday inuu qirto guusha Mr Biden illaa iyo hadda.