Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedyo cusub

0
323

 

 

Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Meel Mariyey Hindise-Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed

Waxaana Sharcigan U Codeysey 139 Mudane Waxaa Diiday 2 Waxaa Ka Aamusay 1 Sidaas Ayuuna Ku Ansaxay,

Sidoo kale Xildhibaanada Ayaa Loo Qeybiyey hindise sharciyeedyada kala ah ,

1.Sharciga Xubnaha Adeega Garsoorka

2.Sharciga Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa,

3.Hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiiri-Galinta Maalgashiga Soomaliyeed,

4.Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga Iyo Maalgashatada,

5.Qaybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga Aheyn,

Kulanka Maanta Ayaa waxaa shir Guddominaayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman,  Guddomiye Ku Xigeenka 1aad ee Cabduweli Shekh Ibrahim Muudey,  Iyo Guddomiye Ku Xigeenka 2aad ee Mahad Cabdalla Cawad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here