Maamulka Degmada Balcad oo Taageeray Madaxda Cusub ee DG Hir-shabeele + Sawiro

0
674

Banaanbaxan oo Ahaa Mid Lagu Taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobaleedka Hir-shabeele Mudane Cali C/laahi Xuseen Guud Laawe  Aya Waxaa Uu Maanta Kadhacay  Kadhacay Degmada Balcad Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Waxaana Banaanbaxan Soo Qaban Qaabiyay Maamulka Degmada Balcad Iyadoona Ay Kasoo Qeybgaleen  Ardayda Ururka Haweenka Odayaasha Dhaqanka Dhaliinyarada Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Kudhaqan Degmada Balcad EE Gobalka Shabeelaha Dhexe

Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Balcad Bishaar Maxamed Nuur Iyo Maamo Caasho Aaadan Kibaar oo Iyana Kuhadleysay Magaca Ururka Haweenka Degmada Balcad Islamarkaana Warbaahinta Kulahadlay Goobta Banaanbaxa Ayaa Waxa Ay Hambalyo Iyo Bogaadin Udiray Madaxweynaha Ladoortay Ee Dowlad Gobaleedka Hir=shabeele Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe Iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba Geed

Intaasi Kadibna Madaxa Xiirka Hay’adaha Iyo Samafalka Degmada Balcad Dr’s Xamdi Xaaji Axmed Iyo Qaar Kamid Ah Ardaydii Kasoo Qeybgalay Banaanbaxan Isklamarkaana Nashiido Uqaaday Madaxweynaha Hirshabeele Ayaa Urajeeyay In Xilkan Uu Alle Ulagarab Galo

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Mudane Qaasim Cali Nuur Furdug oo Isaguna Lahadlay Warbaahinta Aya Waxa Uu Hambalyo Iyo Dardaaran Ujeediyay Madaxweynaha Ladoortay Ee Dowlad Gobaleedka Hir-shabeele Mudane Cali Guudle Xuseen Iyo Kuxigeenkiisa Isagoona Ugu Baaqay In Shaqada Ugu Horeysa Ay Qaban Doonan Ay Kadhigaan Furista Wadooyinka Go’doonsan Ee Degmooyinka Gobalada Shabeelaha Dhexe Iyo Hiraan

Degmada Balcad Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Ayaa Waxa Ay Noqotay Degmadii Ugu Horeysay Ee Sameeya Banaanbax Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Hir-shabeele Cali Guudlaawe Xuseen Iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Maanta Kuguuleystay Doorasho Kadhacday Magaalada Jowhar Ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Hir-shabeele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here