Akhriso:-Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe

0
183

 

 

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo Maanta loo dortay xilka Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu dhashay sanadkii 1974-tii, isagoo ku dhashay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxbarashadiisa dugsiyada hoose, Dhexe iyo Sare waxaa uu Cali Guudlaawe ku qaatay Magaalada Jowhar, waxaana Shahaadada heerka darajada Koowaad ee Jaamacadda uu ka qaatay Jaamacadda Somali International University.

Xilalkii waxaa uu horay u soo noqday Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xilligii Maamulkii Maxamed Dheere 2001-2006.

Waxaa uu Cali Guudlaawe noqday Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe xilligii dowladdii KMG aheyd sanadihii 2007-2009. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu soo ahaa sanadihii 2014 2016.

October 2016 ayaa loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here