Booliska Sweden oo sheegay in Weeraro argigixiso ka dhici karaan Dalka Gudihiisa

0
466

 

.

 

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Kooxaha argagixisada waxay weeraro ka geysteen labada dal ee Faransiiska iyo Austria.

Booliiska Sweden waxay rumeysan yihiin inay jirto qatar in argagixisada ay sidoo kale weeraro ka fuliso Sweden.
taasi oo keentay in Booliska kordhiyaan feejignaantooda

”Waxaan rabnaa inaan diyaar garowno haddii wax dhacaan. Ma jirto qatar cad oo ku wajahan Sweden,
ayuu yiri Jonas Beltrame-Linné.

Booliisku ayaa dhanka kale doonaya qofkii arka wax shaki ah inuu u sheego Booliska si looga hortago hadii ay wax dhacaan.

Booliska ayaa sidoo kale ka digaya fariimaha beenta ah. Fariimaha noocan ah waxay ku yimaadeen baraha bulshada. Qofbaa dadka uga digay inay wax dhici doonaan.

Waxay noqon kartaa xan. Ama waxay noqon kartaa qof raba inuu dadka cabsi geliyo.

Booliiska ayaa intaasi ku daray in qof walba taxaddaro inuu ogaado meesha ay ka yimaadaan farriimaha noocan ahi .
Markaas way fududahay in la ogaado haddii ay been abuur yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here