Wafdi Ka Socday Kenya Oo Soo Gaaray Muqdisho Lana Kulmay Mas’uuliyiin

0
404

Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray wafdi ka socday Dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas, iyagoo lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Kenya Danjire Macharia Kamau, iyo wafdiga wehlinayay.

Xoghaye Maxamed Cali Nuur ayaa Kenya kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda mugdi galay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo socdaalkooda ahaa mid hal maalin ahaa ayaa isla shalay dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here