Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka, kadib markii toddobaadyadii lasoo dhaafay safar dibbada ah dalka uga maqnaa.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo xubno kale.
Duqa Muqdisho ayaa ka mahaceliyay soo dhaweynta loo soo sameeyay, isagoona intaas kadib ka hadlay howlihii la qabtay inta uu safarka ugu maqnaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.