Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta M/Weynaha Hirshabeelle Iyo Kuxigeenka Oo Bilaabaneysa

0
404

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta oo Axad ah bilaabaya Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Guddiga oo shalay soo saaray Jadwalka Doorashada ayaa shaaciyay in Maanta la bilaabayo diiwan-gelinta Musharaxiinta u taagan qabashad xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, isla markaana Musharaxiinta tagaan Xarunta Guddiga.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Is-diiwaan-gelinta ay ku egtahay maalinta barri, inta ka horeysana Musharaxiinta kala duwan looga baagan yahay inay qaatan Shahaada caddeeyneysa Musharatinimada.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenka, waxaana Musharaxiinta qaarkood ay wadaan kulamo siyaasadeed.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa la shaaciyay inay dhici doonto 11-ka bishaan November 2020 oo ku beegan Arbacada soo socota, waxaana Jowhar laga dareemayaa diyaar garoow Doorashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here