Ciidamada Dowladda oo howlgal Miina baaris ah sameeyay

0
107

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo la sheegay inay soo saareen miinooyin dhowr ah oo ay Aaseen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen wadada xiriirisa degaanada buufoow bacaad iyo janaale oo hoostaga Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay sameeyeen guutada 14-ka Oktoobar xoogga dalka ayaa lagu soo saaray Saddex miino oo Al-shabaab wadada galiyeen, halka lagu soo qabtay mid kamid ah raga miinada Aasayay,sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar ee howlgalka sameeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay weli ka wadaan Gobolkaas howlgallo Miina baaris ah, xilli dhowr jeer Ciidamada qaraxyo Miino lagula eegtay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here