Wafdi kasocda Wasaarada Dastuurka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

0
515

Wafdiga oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha labada Aqal ee dibu eegista Dastuurka Sanoter Cabdi Qeybdiid waxaana Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Galmudug, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

U jeedka Wafdiga ay Maanta u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay tahays sidii Bulshada Magaalada uga sameyn lahaayeen Ra’yi aruurin ku saabsan dhameystirka Dastuurka qabyada ah ee dalka.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxda Galmudug qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana la filayaa inay sidoo kale tagaan degaano ka tirsan Galmudug.

Wafdigaan ka socda Wasaaradda Dastuurka ee Maanta tegay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli isla Maanta Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac uu  Maanta  gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here