JOE BIDEN oo Ku Guuleystay Madaxtinimada Mareykanka

0
371

 

 

Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.

BBC-da ayaa odoroskeedu yahay in Biden ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad.

Ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey.

Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.

Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad.

Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aan caddayn hayn isku sheegay inuu isagu yahay ninka ku guulaystay doorashada iyada oo aan weli xataa la dhamaystirin tirinta codadka. Waxa kale oo uu sheegay eedo ah musuq ka dhacay tiritina codadka, laakiin wax caddaynaya eedaas ah in musuq dhacay muu soo ban dhigin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here