Waaxda duulista ee dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la xiray garoomada diyaaradaha magaalooyinka Mekelle, Shire, Axum iyo Humera oo ah gobolada tigreega.
Qoraal kooban oo hay’adda duulista Itoobiya ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duuliye yaasha iyo shaqaalaha kale ee duulimaadka arintan lagu wargaliyay.
Waaxdu faah faahin dheeri ah kama bixin sababta balse waxaa loo maleeyaa in ay la xiriirto xaalada deg dega ah ee Dowladu ku soo rogtay Gobalka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.