Weerarada lagu haayo Soomaalida oo ku batay dalka Koonfur Afrika

0
113

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo batay weerarada ka dhan ah Soomaalida, iyada oo todobaadkaan gudihiisa dalkaasi dil iyo dhaawac loogu geystay dhowr qof oo Soomaali ah.

Bishaan Gudaheeda ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa dil & dhaawac loogu geystay Shan ruux oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsatada dalkaas, waxaana ay kala ahaayeen Abdi Salaan Ahmed Kooke (Cuufaay) Iyo  Nuuriye Warsame Maxamud (Qays) halka dhaawac Tooreey loogu geystay uu u geeriyooday Marxuum lagu Magacaabi jiray C/llaahi Maxamed.

Sidoo kale Kooxaha burcadda Koonfur Afrika ayaa waxaa ay xalay dhaawac u geysteen Colaad Xaashi oo Muwaadin Soomaaliyeed ah, xilli uu ku sugnaa Dukaankiisa oo ku yaalla meel qiyaastii 5 ilaa 6km u jirta Xaafadda Soomaalida ee Bellville oo ku taalla Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen inay qabaan walaac xoogaan maadaama marka la gaaro dhamaadka sanad walba ay kordhaan dilalka iyo boobka Soomaalida loo geysnayo.

Madaxda dalka  Koonfur Afrika iyo tan Safaarada Soomaaliya ee dalkaas ayaan weli ka hadlin dilalka iyo boobka lagu haayo Soomaalida, iyada oo Soomaali farabadan ay dalkaasi kasoo carareen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here