Hoggaamiyaha Iiraan oo ku jeesjeesay Doorashada Mareykanka

0
434

 

 

Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, ayaa qoraal uu Arbacadii soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu maadsaday xaaladda ay ku jirto doorashada Mareyaknka.

“Yaab badanaa! Qof ayaa sheegay in doorashada ay tahay tii ugu musuqmaasuqa badneyd ee soo martay taariikhda Mareykanka. Yaa yiri sidaas? Waxaa yiri madaxweynaha hadda xafiiska ku sugan. Ninka kasoo horjeeda wuxuu sheegayaa in Trump uu damacsan yahay inuu doorashada ku shubto! Sidaas ayey u shaqeeyaan Doorashada Mareykanka iyo Dimuqraadiyadda Mareykanka.” Ayuu soo qoray Khamenei.

Hadalka Khamenei ayaa qabsaday baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka.

Maalin ka hor ayuu hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan sheegay in natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Mareykanka ee 2020-ka aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka Iiraan.

Wuxuu ku adkeystay in qof walba oo kusoo baxaba aysan isbaddali doonin siyaasadda Tehran ee ku wajahan Washington.

“Siyaasaddeennu way caddahay. Isuma baddaleyso shakhsiyaad isbaddalay awgood,” ayuu yidhi. “Waxba nagama galin cidda baxeysa iyo cidda imaaneysa toona.”

Donald Trump ayaa “cadaadis heerkii ugu sarreeyay ah” saaray Iiraan tan iyo markii uu sanadkii 2018-kii waxba kama jiraan kasoo qaaday heshiiskii nuclear-ka ee Tehran lala galay intii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Obama.

Ninka hadda loollanka adag kula jira, Joe Biden, ayaa sheegay in haddii uu xilka madaxweynaha ku guuleysto uu dib u milicsan doono heshiiskaas, ayna suuragal tahay inuu dib u soo nooleeyo.

Markii heshiiskaas laga wada xaajoonayay sanadkii 2015-kii, Biden wuxuu madaxweyne ku xigeen u ahaa Barack Obama, wuxuuna goob joog u ahaa go’aankii cunaqabateynta looga khafiifiyay Iiraan.

Tallaabadaas baddalkeeda waxaa Tehran laga dhowrayay inay joojiso bacriminta barnaamijkeeda nuclear-ka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here