Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kasoo horjeestay Gudiga uu Magacaabay RW Rooble

0
114

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ka tagay Xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo uu doonayay in lagu daro Guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Xalay Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ku dhawaaqay guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Heer federal, hayeeshee guddoomiyaha Aqalka Sare uu sheegay in xubno uu u gudbiyay Ra’iisul  Wasaaraha laga waayay liiska Xubnaha guddiyada.

Qoraal uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin,isla markaana matalin.

8-dii Bishii oktoober ee sanadkaan ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu Magacaaabay Xubnaha Gobolada Waqooyi ku matalaya Gudiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafaadka, Xubnahaas oo uu sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in laga reebay Guddiyada uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here