Qarax ayaa ka dhacay agagaarka KM4 ee degmada Hodan Sida ay Warbaahinta Ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaadiid galbinayay Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax Axmed.
Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya iyo askartii la socotay ayaa la sheegay in ay qaraxa ka badbaadeen.
Qaraxa ayaa noociiso ahaa Miino, waxaana la sheegay in uu dhacay markii ay gudbeen gawaarida waday Wasiirka.
Waxaa jira Khasaare ka dhashay Qaraxa, balse wali rasmi ah looma xaqiijin karo inta uu gaarsiisan yahay.