Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa maanta dooranaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen iyadoo inta badan musharaxiinta u tartamaysa ay yihiin kuwo ku cusub baarlamaanka Hirshabelle. Musharaxiinta u tartamaysa xilalka guddoonka baarlamaanka 2aad ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay khudbadahooda musharaxnimo u jeediyeen xildhibaanada Baarlamaanka.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabelle ayaa waxaa u tartamaya Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo labaduba ku cusub baarlamaanka Hirshabelle.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa u tartamaya Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo labaduba ku cusub Baarlamaanka Hirshabelle.
Hase yeeshee xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa ku tartamaya labo xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan.